SAWIRRO:-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka dastuurka oo gaaray Dhuusamareeb

0

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya ,Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Wafdiga wasiirka oo ay qeyb ka yihiin Guddoomiyaha Guddiga dastuurka ee Baarlamanka Soomaaliya Senator; Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), Siyaasiyiin iyo xubno kale ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo qaar ka mid ah maamulka.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya iyo xubnaha ku wehliya socdaalkiisa ayaa lagu wadaa in ay wada hadallo ku aaddan dastuurka la qaataan madaxda ugu sarreeysa Galmudug.