SAWIRRO:-Isebedelka ka Hirgalay Dhuusamareeb iyo Madaxwayne Qoor-Qoor oo Socod ku dhexmaray

0

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo mas’uuliyiin katirsan Maamulkiisa ayaa xalay kormeer ku maray inta badan Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaya ayaa la kulmay qaybaha kala duwan ee Bulshada, isaga oo tagay Goobaha ay isugu tagaan dhalinyarada, Ganacsiga iyo Goobaha laga cunteeyo oo ay ku kulmaan Bulshada kunool Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Hadal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug waxaa lagu sheegay in kormeerka Madaxweynaha uu ugu kuur-galayay isbadalka ka jira Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Waxaa la sheegay in qiimeynta Madaxweyne Qoor qoor uu ahaa mid uu ku kormeerayay ciidamada sugaya ammaanka, isbadalka ka jira Caasimadda iyo la kulanka qaybaha bulshada si uu u xog dhageysto.

Inta badan dadka uu kula kulmay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Magaalada Dhuusamareeb waxa uu wax ka weydiinayay waxyaabaha ay ka doonayaan in uu ku dhaqaaqo Maamulkiisa sida ay Mustaqbal u sheegeen qaar kamid ah dadka Dhuusamareeb.

Dhawaan Magaalada Dhuusamareeb waxaa lagu wadaa in lagu caleemo-saaro Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor oo dhanka kale ku howlan xulista Golihiisa Wasiirada oo waqtiga dheeraadka ah ay siiyeen Baarlamaanka ku eg 31-ka bishaan.