Puntland Oo Codsi U Dirtay Dowladda Iyo Maamul Goboleedyada

0

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada dalka ka jira ka Codsatay in dib loo dhigo Shir looga hadlayo hanaanka Maaliyada iyo Arrimaha deyn Cafinta Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Maaliyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in ay Codsanayan in muddo bil ah dib loo dhigo Shirka Wasiirada dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka, kaasi oo 7-da bishaan ka furmi doona Magaalada Baydhabo.

Sababta ay u Codsatay Puntland in dib loo dhigo Shirkaas ayaa waxaa ay ku sheegtay inay tahay in ay ku mashquulsan tahay qabashada Shirka Wadatashiga Puntland oo 15-ka bishaan ka dhacaya Magaalada Garoowe.

Dhinaca kale Maamulka Jubbaland ayaa qaadacay ka qeyb galka Shirka looga hadlayo hanaanka Maaliyada iyo Arrimaha deyn Cafinta Soomaaliya ee ka dhici doona Magaalada Baydhabo.