Dowladda Kenya oo ciidamadeeda kala baxaysa dalka Soomaaliya

0

Dowlada Kenya ayaa bilaabaysa maalmaha soo socda wadahadalo ay ciidamadeeda ugala baxayso dalka Soomaaliya.

Wadahadaladan oo ay hoggamin doonto Wasiirka Gaashaandhigga Monica Juma ayaa qeyb ka ah qorshaha lagu doonayo in ciidamada AMISOM ay ugaga baxaan dalka Soomaaliya sanadka 2021.

Ciidamada Kenya ayaa muddo siddeed sano ah waxa ay ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya iyagoo ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta AMISOM.

Askarigii ugu horeeyay ee ka socda dalka Kenya ayaa 16kii October,2011gii ayaa ka soo gudbay xadka Soomaaliya ay la wadaagto dalka Kenya.

Warkan ku saabsan kala bixitaanka ciidamada Kenya dalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaysa xilli xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu sii xumaanayo maalinba maalinta ka dambeysa.

Iskahorimaad hubeysan ayaa ku dhex maray ciidamada dowlada Soomaaliya iyo ciidamo daacad u ah wasiirka baxsadka ah ee Cabdirashiid Janan iyagoo ku dagaalamay xadka ay wadaagaan labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.