DHAGEYSO:-Wasiir Janan Oo Lagu Amray Inuu Isaga Baxo Mandera

0

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Kenya oo laga soo doorto degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa ugu baaqay wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdirasiid Xasan Nuur (Janan) inuu isaga baxo gudaha magaaladaasi.

Xubnahaan xildhibaanada ah ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in markale Mandera laga dareemo xiisado colaadeed.

Sidoo kale waxa ay wasiir Janan oo baxsad ka ah dowladda Soomaaliya iyo ciidamadiisa u qabteen in 24 saacadood gudahooda ay uga baxaan halkaasi.