Ciidamada Ammaanka Puntland oo Boosaaso ka sameeyay howlgal lagu soo qabtay dhalinyaro burcadnimo loo haysto

0

Ciidamada Ammaanka Magaalada Boosaaso waxa ay sameeyeen howlgalo ay kusoo qabteen dhalinyaro ay la xiriirinayaan in ay dhac u geystaan dadka ku sugan Xarunta Gobolka Bari xiliyadii habeenkii.

Si gaar ah waxaa dhalinyaradaan lagu eedeeyay in ay dadka ka furtaan Teleefoonada Gacanta, Laabtoobyada iyo lacagaha ay qaataan, waxaana cabasho ka keenay qaar kamid ah dadka la dhacay.

Saraakiisha Ciidamada Ammaanka Magaalada Boosaaso oo muddooyinkii dambe dadaal xooggan geliyay sugidda Amniga ayaa ciidamada faray in ay gacan adag ku qabtaan burcadda dhaca geysata.

Kooxahaan waxa ay badi dhaca geystaan inta u dhaxeyso Salaadaha Maqrbika iyo Cishaha, waxaana saraakiisha Ciidamada ay xiligaas bilaabeen roondo ay sameynayaan Askarta ammaanka u xilsaaran.

Taliska Nabadgalyada Boosaaso waxa ay horay usoo saareen digniin la xiriirta in Waalidiinta ay gacan adag ku qabtaan Carruurtooda kahor inta aysan qaban Ciidamada, maadaama kolka la xiro ay ugu daba-tagaan saldhigyada iyaga oo dalbada in loosoo daayo.