Akhriso:-Maamulka axmed madoobe oo hakiyay ka qeyb galka shirarka deyn cafinta Somalia

0

Wasaaradda Maaliyada Jubbaland dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa hakisay ka qeyb galka shirarka looga arrinsanayo Arrimaha maaliyada iyo Deyn cafinta ee ay hormuudka ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Maaliyadda Jubbaland Cabdirashiid Jire Khalinle ayaa waxaa lagu sheegay in Jubbaland ay Go’aan ku gaartay in la hekiyo ka qeyb galka Shirarka looga arrinsanayo hanaanka Maaliyada iyo Arrimaha deynta dalka.

Sidoo kale Qoraalka Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in aysan ka qeyb geli doonin Shirka ugu soo horeeya ee 11-ka Bishaan ka dhici doona Magaalada Baydhabo ilaa iyo inta dowladda Federaalka ka joojineyso xayiraada ay ku heyso Shacabka iyo Mas’uuliyiinta ka tirsan Maamulkooda.