Midowga Yurub Oo Gaadiid Ku Wareejiyay Maamulka Koonfur Galbeed

0

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah Maamulka Koonfur Soomaaliya ayaa waxaa Maanta gaaray Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Niclos Barlaanga iyo wafdi uu hogaaminaayay.

Wafdiga Niclos Barlaanga ayaa waxaa kamid ahaa Diblumaasiyiin iyo Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Ciidamada AMISOM, waxaana Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed.

Safiirka iyo Wafdigiisa ayaa Xaruunta Aqalka Madaxatooyada ay kulana kula qaateen Madaxada Maamulka Koonfur Galbeed oo ugu horeeyo Gudoomiyaha Baarlamanka, Wasiirka Amniga iyo Saraakiisha Ciidanka Policeka Koonfur Galbeed.

Gaadiid Ciidan oo looga talagaley in ay ku howlgalaan Ciidamada Booliska ayaa waxaa Safiirka uu ku wereejiyey Guddoomiyaha Baarlamanka iyadoona si wadajier ah u kormeey Xaruunta ADC oo laga dhigo Xaruun lagu tababaro Ciidamada.

Waxaa sidookale ay kormeereem Saldhiga Booliska Degmada Baydhabo oo balaarin iyo Dayactir lagu sameeyey, isla markaasina lagu soo kordhiyey Dhismiyaal Cusub. iyagaoona mid mid ubooqaday Xafiisyada kala duwan ee Taliska.

Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed C/qaadi shariif sheekuna Maye ayaa ayaa Safiirka Midowga Yrub uga Mahadnaqey sida wanaagsan ay u tayeynayaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.