AKHRISO:- Xildhibaano Culus Oo Iska Casilay Xisbiyada Sheekh Shariif Iyo Xasan Sheekh

0

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay iska casileen xilalkii ay ka hayeen Xisbiyada Himo Qaran iyo UPD.

War qoraal ah oo uu soo saaray Xildhibaan Cabdifitaax Ismaaciil Daahir ayaa waxaa uu ku shaaciyay inuu iska Casilay xilka guddoomiye ku-xigeenka iyo xubinimada xisbiga UPD ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa isna qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegay inuu iska casilay xilkii uu ka haayay guddiga fulinta iyo xubinimadii xisbiga Himo Qaran ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sh Axmed.

Labada Xildhibaan ma shaacin sababta rasmiga ee keentay inay xilka casilaan xilalkii ay ka hayeen Xisbiyada ay kala hogaamiyaan Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.