AKHRISO:- Guddoomiye Maxkamadeed oo qarax lagu dilay

0

Wararka laga helayo Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow halkaasi uu ka dhacay qarax uu ku geeriyoodey Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Sool ee Soomaliland Xasan Sheekh.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegayaan in Guddoomiyaha Gaarigigiisa qaraxa loogu xiray,isla markaana uu u geeriyoodey dhaawac culus oo kasoo gaarey qaraxaas.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliland ayaa gaaray halka qaraxa uu ka dhacay,iyada oo dadka ku nool Magaalada laas-Caanood ay aad uga naxeen falkaan oo ah mid ku cusub Magaaladaas.