DFS iyo Mareykanka oo faah-faahin ka bixiyay duqeyn Duqeyn ay ka geystay Gobolka Shabeelaha Hoose.

0

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa sheegay in si wadajir ah duqeyn ay ka fuliyeen Gobolka Shabeelaha hoose, iyaga oo ku dilay Xubno katirsan Al-Shabaab oo bartilmaameedkoodu ahaa.

Duqeynta waxa ay dhacday Kuunya Barrow oo katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose gelinkii dambe ee Jimcaha, waxaana DFS iyo AFRICOM ay sheegteen in ay ku dileen labo qof oo katirsan Al-Shabaab.

Qoraalka kasoo kala baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Howlgalada Mareykanka u qaabilsan Afrika ee AFRICOM waxaa lagu sheegay in aanu jirin waxyeelo gaartay dadka shacabka oo ay xaqiijiyeen.

Diyaaradaha Mareykanka ee aan Duulliyaha lahayn ayaa kordhiyay weerarada duqeynta ah ee ay ka geysanayaan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana Taliska AFRICOM ay sheegeen in weeraradooda kaga hortagayaan halis dhanka Al-Shabaab kaga wajahan Ciidamada DFS, Mareykanka iyo AMISOM.