Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada DFS iyo Ahlu Sunna

0

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug waxa ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ahlu sunna, waxaana iska hor imaadka uu si gaar ah uga socdaa Agagaarka Xarunta Inji oo ay degen yihiin Madaxda Ahlu sunna.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidamo katirsan Booliiska DFS gaar ahaan Haramcad ay weerar ku galeen Xarunta Inji oo lasoo sheegayo in rasaasta ay ka socoto Gudaha Xaruntaas.

Dhinacyada dagalaamaya ayaa lasoo warinayaa in khasaare dhimasho iyo dhaawac uu kala gaaray inkasta oo aan lahayn Tirada ay gaarsiisan yihiin, waxaana istaagay dhaq-dhaqaaqa Magaalada Dhuusamareeb.

Iska hor imaadka ayaa daba socda dagaal xalay ka dhacay iska goobta lagu dagaalamay, kadib markii ay israsaaseeyeen Ciidamo ka kala tirsan Booliiska Dowladda iyo kuwa Ahlu sunna, inta la xaqiijiyay dagaalkaas waxaa ku dhintay Askari katirsan Ciidamada Haramcad sida Ilo wareedyo warbaahinta u sheegeen.