Dil Goordhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Wararka ka helayno degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in goordhow halkaas uu ka dhacay dil iyada oo warar kala duwana ay kasoo baxayaan.

Dilka ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Jaayga Kaawa-gode una dhaxeysa Walaalaha iyo dhagaxa Turkiga,waxaana la sheegay in nin hubeysan uu rasaas ku furay Sarkaal Booliis ah islamarkaana uu goobta ku geeriyooday.

Dad ayaa warbaahinta u sheegay in ninka dilka geystay uu isku dayay in uu baxsado hase’ahaatee isagana goobta lagu toogtay.