Soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya oo la xiray

0

Qeybta ugu muhiimsan ee xuduudka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa gebi ahaanba la xiray, sidda uu waramay wargeyska Standard ee ka soo baxa dalka Kenya.

Ma cadda ujeedada ka dambeysa talaabadaan oo xukuumadda Nairobi aysan si furan ugu sheegin dadweynaha,Xirnaanshiyaha xuduudka waxaa la tilmaamay in lagu soo qaadey kulan uu Uhuru Kenyatta la yeeshay hogaamiyeyaasha gobolka waqooyi Bari Kenya oo ay Soomaalidu ku badantahay.

Kulanka waxaa lagu falanqeeyay qaabka loosoo afjaro karo amni daradda iyo duulaanada xoogaga Al shabaab ka imaanaya oo ku wajan dalka Kenya.

Kenyatta Madaxweynaha Kenya ayaa la tilmaamay in uu hoosta ka xariiqay in xirnaanshiyaha ay suurtagelin karto in Kenya ay ka nabad-gasho weerarada AlShabaab.

“Ciidamadeenu waxay xireen xadka ugu muhiimsan ee Kenya iyo Soomaaliya…mana jiri doono wixii haatan ka dambeeya weeraro ay argagixisada Al-Shabaab kusoo qaado Kenya,” ayuu raaciyey.

Sidda laga soo xigtay saxaafadda maxaliga ah ee Kenya, Kenyatta ayaa tibaaxay in xalka weeraradda Al-Shabaab uu saameyn ku yeeshay siyaasadda arimaha bulshada ee hogaanka Kenya.

Tan iyo markii ay ciidamadeeda kamid noqdeen howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, Kenya waxay la daalaadhaceysa iska caabinta Al Shabaab,oo gudaha wadankaasi ka gaystay weeraro dhiig badan ku daatay.

Dowladda Soomaaliya dhankeeda wali kama hadlin Xirnaashaha Xuduudka u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Kenya.