AKHRISO:-Wasiir Khadiijo Diiriye “Dadkii rabay inay ibaaraan uma ekeen shaqaallo Caafimaad”

0

Wasiirka Wasaarada dhalinyaradda Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka jawaabtay Muuqaal hadal aheyn badan dhaliyay oo qabsaday baraha bulshadda maalmihii lasoo dhaafay.

Muuqaalka ayaa muujinaayay Wasiir Khadiijo oo kasoo laabatay dalka Turkiga, islamarkaana ka biyo diiday in lagu sameeyo baaritaano la xariira Cudurka Coronovirus oo ay qaabilsan yihiin Koox ka howlgasha Garoonka Aadan Cadde.

Wasiirka waxa ay sheegtay in aysan diidin baaritaano, islamarkaana Kooxda dooneysay in ay baarto aysan la heyn Muuqaal Dhaqaatiir oo ay xirnaayeen dharka Engineerada.

“Dadakii rabay inay ibaaraan uma ekeen shaqaalo Caafimaad ee waxay u ekaayeen Injineero Dhismo”Wasiir Khadiijo Diiriye.

Kooxda ka howlgasha Garoonka ayaa dhawaan waxaa howlgaliyay Wasiirka Caafimaadka dowladda Soomaaliya, waxaana loogu tala galay in ay baaraan dadka kasoo degaya Garoonka si looga hortaggo Cudurka Corono Virus.

HOOS KA DAAWO: