Axmed Madoobe oo saraakiisha Dhoobley kala hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

0

Madaxweynaha Maamulka  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa uu magaalada Dhoobley kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka eek u sugan degmadaasi.

Kulanka ayaa waxaa looga  hadlayay howlgalka socda deegaanada Jubbaland  ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab iyo guulaha Ciidanka Dowladda & kuwa Jubbaland ka gaareen.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa Amray  Saraakiisha Ciidanka Jubbaland inay dar dar geliyaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab,isla markaana sanadkaan gudihiisa laga doonayo inay ka saaraan Al-Shabaab deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolada Jubbooyinka.

Maalma ka hor ayaa Madaxweynaha Jubbaland waxaa uu booqday Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaliya ee DANAB & kuwa Jubbaland oo howlgal ka wada duleedka degmada Jamaame,isaga oo ugu baaqay inay xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.