AKHRISO:- Kulan looga hadlayay Arrimaha doorashooyinka oo lagu qabtay Jowhar

0

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Magaalada Jowhar ku qabtay kulan balaaran oo ay kasoo qayb galeen qaybaha kala duwan ee Bulshada reer Jowhar sida Ururada Haweenka, Dhallinyarada, Naafada, Aqoonyahanada, Ardaayda Jaamacadaha iyo Odoyaasha deegaanka. Kulankaan ayaana ahaa mid Guddigu Bulshada balaraan ee reer Jowhar uu ku wacygalinayay arimaha doorashooyinka isla mar ahaantaana uu uga warbixinayay meelaha ay hada marayaan meertada doorashada.

Ugu horay kulanka waxaa daah furay Madaxa GMDQ ee Dowlad Goboleedka Hirshabeele Mudane: Maxamed Mukhtaar oo ka qaybgalayaasha ugu mahadceliyay hannanka balaaran ee ay kulanka uga soo qaybgaleen waxa uuna sharaxaad kooban kasiiyay waxqabadka xafiiska Doorashooyinka ee Jowhar.

Intaas kadib waxaa ujeedada kulankaan iyo imaansha Magaalada Jowhar ee GMDQ dul istaagtay Kumushineer Khadiija Cosoble Cali waxa ayna sheegtay in ujeedka socdaalku yahay in aanu Bulshada Soomaaliyeed Wacyigalino isla mar ahaantaana warbixina kasiino meelaha ay arimaha doorashooyinka marayaan. Sidoo kale Kumushineer Khadija waxay sheegatay in maanta Dalku diyaar u yahay hannaankii uu kuwajihi lahaa doorasho qof iyo cod sidaas awgeedna uu Guddigu Maalmihii lasoo dhaafay uu gaaray Dowlad Goboleedyada kala ah Koonfurgalbeed, Galmudug iyo hada oo uu ku sugan yahay dawlad goboleedka Hirshabeele.

Sidoo kale waxaa Bandhig kooban oo ku aadan wacyigalinta iyo warsiinta Bulshada Jowhar soo jeediyay qaar ka mida hawl wadeenada Guddiga, kadib bandhigaas waxaa war baahiyada loo weeciyay kasoo qayb galayaasha kulanka oo su’aalo laxariira doorashooyinka waydiiyay Xubnaha Guddiga. Waxa ayna Mas’uuliyiinta Guddiga uga wada jawaabeen suaalahoodi si faahfaahsan oo ay ku qanceen kasoo qaybgalashaayu.

Ugu danbayn waxaa shirka soo xiray Kumushineer Khadiija Cosoble Cali oo Bulshada la dardaarantay kuna dhiirigalisay in ay Bulshada gaar ahaan Haweenka iyo Dadka baahiyaha gaarka qabo ay ku ciil baxaan Codkooda.