Weerar Alshabaab ay ku Qaaday Saldhig Ciidanka AMISOM ee Buurane

0

Inta la Xaqijiyay laba askari oo ka tirsan ciidamada Burundi ee qaybta ka ah ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta lagu dhaawacay toogasho ka dhacday meel u dhow saldhig ay ku leeyihiin degaanka Buurane ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Askarta la dhaawacay ayaa waxaa weerar gaadmo ah kusoo qaaday rag hubeysan, sida howlgalka AMISOM oo hadlay Warbaahinta VOA ay xaqiijiyeen.

Dadka ku sugnaa meel u dhow goobta uu weerarka ka dhacay ayaa sheegay in askarta la dhaawacay la toogtay iyagoo taagan iridda laga galo saldhigga ay ku leeyihiin tuulada Buurane.

AMISOM ayaa sheegtay in toogashadu ay dhacday xilli ay ciidamada AMISOM iridda ka fureen baabuur booyad ah oo rayid ah.

Dad degaanka ayaa intaa ku daray in ay maqleen rasaas xoogan oo ka dhaceysa meel u dhow saldhig ay ciidanka Burundi ku leeyiihin halka loo yaqaana Biljamka.

Alshabaab dhankooda kama hadlin weerarkaan lagu qaaday Ciidanka Burundi oo qayb ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Weerarka maanta lagu qaaday ciidanka Burundi ayaa imaanaya maalin kadib markii qarax miino lala bartimaameedsaday gaari ay ciidanku leeyihiin oo ka dhacay isla degaanka Buurane. Rasaas ay xilligaas fureen ciidanka AMISOM ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo xoolo dhaqato ah.