Wasiir Beyle Oo Kulan La Qaatay Safiirka Turkiga Ee Somalia

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta Xarunta Wasaaradda kulan kula qaatay Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya  Mehmet Yilmaz.

Kulnka u dhexeeyay Wasiir Beyle iyo Mehmet Yilmaz ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga gaar ahaan arrimo la xiriira  iskaashiga dhaqaalaha iyo horumar ka Maaliyadda dalka.

“Dowladda Turkiga waxaan uga mahadcelinayaa taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed oo ay ka midtahay Kabka Miisaaniyadda Dowladda (Budget Support)” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Beyle.

Dowladda Turkiga ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana labada dowladood ka dhexeeya xiriir ku saleysan dhinacyo kala duwan.