War Murtiyeedka laga soo saaray Shirkada Wadatashiga Beesha Mudulood

0

Shirka Wada-tashiga Beesha Mudulood oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayna qeybgaleen Madaxweynayaal hore dalka u soo maray,duubabka dhaqanka, xildhibaano,siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa laga soo saaray Warmurtiyeed ay ku jiraan qoddobo xasaasi ah.

Qodobada ugu waaweyn ee war murtiyeedka ayaa waxaa kamid ah in beeshu qabanayso shirweyne lagu casuumayo dad ku nool gudaha dalka iyo wadanka dibadiisa.

Halkan hoose ka aqriso Qodobada War-Murtiyeedka

1 – In dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ku dhaqmaan, islamarkaana ilaaliyaan dastuurka dalka Soomaaliya.

2 – In howl-galka ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee Amisom uu dhex-dhexaad ka noqdo arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

3 – In si wadajir ah looga horjeesto wixii sababi kara qalalaase siyaasadeed oo dalka ka dhaca, islamarkaana xal nabadeed loo maro khilaafaadyada jira; lana dhiso qaran waara oo ka shaqeeya maslaxadda guud.

4 – In dhowaan la qabto shirweyne u dhantahay beesha Mudulood dal iyo dibad, kaasi oo looga tashanayo aayaha beesha.

5 – In beesha Mudulood raadiso maqaamka siyaasadeed iyo xuquuqda gobolka Banaadir uu ku leeyahay nidaamka maamul ee dalka.

6 – In la dhisay Guddiga qabanqaabada Shirka wadatashiga Beelweyne Muddulood oo si degdeg loo qaban doono, ayna kasoo qeybgeli doonaan dadka gudaha iyo dibadda.

7 – In beeshu kaalin firfircoon ku yeelato doorashooyinka dalka ka dhacaya 2020/2021.

8 – Waxaa beesha caalamka looga mahad-celinayaa taageerada ay siiyaan Soomaaliia. Waxaa kaloo Bulshada caalamka iyo AMISOM laga codsanayaa inay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda Soomaaliya.