Axmed Madoobe oo Dhoobley ka wada kulamo ka dhan ah DFS

0

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo xalay ku hoyday degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose ayaa degmadaas uu kulmo kula leh saraakiisha ciidamada Jubbaland ee ku sugan Dhoobley.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sarakiisha kala hadlaya sidii Al-Shabaab looga difaaci lahaa deegaanada hoos taga Dhoobley iyo waxa laga yeelayo ciidamada dowladda federaalka ee iyaguna ku sii siqaya deegaano badan oo horay uu uga arimi jiray maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa saraakiisha amray la bilaabo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo gacanta ku haya degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobollada Jubbooyinka ee uu ka arrimiyo maamulkan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa maanta kulmo la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Dhoobley ee gobolkas Jubbada Hoose.