AKHRISO:- Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo ku timaamay qayaano adeegga Forex adeegga dhowaan

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud ayaa ku tilmaamay dalka ku soo kordhay ee Forex mid shacabka lagu qiyaamayo lacagtoodana lagu xalaaleysanayo.

Cumar Filish guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka hadlayay munaasabad maanta ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in adeeggan Forex uu yahay mid dalka dibadiisa laga soo abaabulay dhibaatana uu ku yahay dhaqaalaha dalka.

“Shaqsiyan waxaan aaminsanahay in dhaqaalaha soomaaliya dhibaato ku yahay, dad meelo kale joogana ay soo abaabuleen Maamulka gobolka Banaadirna waan joojinay in xarun cusub la diiwaangeliyo oo laga furo caasimada.”ayuu yiri Guddomiye Cumar Filish.

Duqa Muqdisho oo fasirayay sida loogu qayaanayo shacabka adeega forex ayaa tusaale u soo qaatay sida kalluumeysatada ay u dabto mallaayga taasoo mallaygu uu is yiraahdo cun hilibka makaalinta la soo geliyay balse isaga la cuno.

Waxa uu ka digey shacabka in adeegan markahore waxyar afka dadka loo gelinayo kadibna marka ay lacago badan keensadaan ugu dambeyntii la dhihi doono waa khasaarnay.

Adeegga Forex ayaa ku soo badanaya dalka iyadoo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ay haatan ka furan yihiin xarumo faro badan waxaana sidoo kale adeegaan uu ku sii faafay gobolada dalka.