QORMO:- WAXAAN DHAXALLAY IS CAFINTA KADIB MARKII AY WALAALADII DILEEN NABI YUUSUF HELAYNA FURSAD UU KU AARSADO

1

Waxaan jeclahay in aan fikir kayga yarka ah,lawadaago dadkayga soomaaliyeed ee dhibku haysto mudo aad u dheer. Waxaa dadkayga Soomaaliyeed kasoo kaban la yihiin dhibaatadii,kasoo gaartay burburkii ku dhacay dawlad nimadoodii ay ku asturnaayeen shisheeyuhana uuga baqi jiray. waxaa xasuus mudan in dawlada soomaaliya marnoqotay mida uugu milatariga fiican afrika oo dhan uuguna xooga badan.

Dadka Soomaaliyeed oo ah dad firfircoon,ayaa hadana waxaa laharay laba ciladood oo ay xal uwaayeen ilaa hada. waana sidan
1.FAQRI udiiday dadka xasilooni
2.Qabiil laba ay riixayso siyaasi dan leh iyo Faqri gaajo

Qofku markuu haleelo faqrigu rabbi haynaga korshee,waxa uu ogolaadaa wax uusan marnaba ogolaadeen haduu wax haysto,sikale hadaan u iraahdo wuxuu u nugul yahay in cidwalbaa isticmaasho. Qofka faqriga ahi malaha doorasho,malaha gobonimo,isma difaaci karo, sidaa daraadeed faqrigu waa cadaab aduun.

Qabiilka iyo Qabyaalada waa caruurta faqriga! hadii qofkastoo soomaaliyeed haysto shaqo iyo meherad uu kala soobaxo noloshasiisa oo helo nolosha aas aasiga ah ee dadku u baahan yihiin,markaa majiraayo Qabiil iyo Qabyaalad. sidaa daraadeed gumaystihii dalkeena yimid ee inakala qaybiyay,ayaa oday dhaqameed yadii soomaaliyeed lacag siin jiray si uu dalka umaamusho iyaguuna iska horkeeni jiray,qaybi yoo xukun taasoo ay soomaalidu ka dhaxashay gumaystahaas.

Qabiilka iyo Qabyaalada waxaa wada siyaasi danayste ah oo raadkii dhaxalkii gumaysigana haya,faqriga dadkana og oo ka faa iidaysanaaya baahidaas dadka. qofku wuxuu odoon u yahay in uu siyaasi khaldan daba socdo,in uu qabiil difaaco u dhinto caruurtiisa ku waayo sababtoo ah waa faqiir haduu wax haysan lahaa siyaasina ma daba ordeen qabiila warkii iskaba daa! faqrigu waa wax yaableh.

Dadkayga soomaaliyeedoow,cilada sadexaad ee ina haysata ayaa ah Maamulka iyo maaraynta dawladnimo oo aan ku liidano. xirfad ahaan maamulku waa cilmi la barto,10 qof oo soomaali ah markay meel isugu yimaadaan malaha ismaqal iyo kala danbayn waayo taa waxaa lagu gaaraa maamul. hadaba maamul xumo waxay keentaa dadkii oo aan isnecbayn isku meela wax uwada wada ayaa hadana isfahmayn oo is khilaafaya ama is dilayaba mararka qaarkood,sababtuna waxaa weeye maamulid oo aan aqoon loo lahayn buuxda iyo xirfad. hadaba MAAMUL waxaa dhalay AQOON yacni in cilmi labarto,wayna cadahay in cilmigu inagu yar yahay ah MAAMULKA IYO MAARAYNTA.

Dadkayga Soomaaliyeedoow,waxaa lakala tirsanayaa dhexdeena dhibaato farabadan, waxaana laga tirsanayaa dawladihii hore ee ina soomaray 1960-1991 dii. sidoo kale waxaa la tirsanayaa dhibkii kadanbeeyay xiligaas. hadaba waxaan qirayaa in dawladahaas iyo wixii kadanbeeyay waxay dhib geeysteen ay ugeeysteen dadkoodii uun iyaguna ay ahaayeen soomaali uun. waxa oo dhamina waa uun walaal dilaya walaal. waxaana haboon in aan la nimaadno wixii xumaan ahaa ee ay dawladihii hore geeysteen wax kawanaagsan oo ah cadaalad iyo sinaan iyo is qadarin soomaalinimo.

Dadxun hadii aynu yeelanay miyaynaan yeelan karin hada dad fiican? ma dad aan soomaali ahayn ayaa wax inoo qaban oo ina maamulaya oo inoo cadaalad falaaya? dalkan inaga unbaa leh soomaali ah.

Dadka yuhuuda ah iyo Soomaalida muslimka ahi waxay kukala badalan yihiin hal arin oo weyn.Yuhuudu waa dad leh cuqdad soo jireen ah oo aan dhamaad lahayn ilaa qiyaame dhaco,waxayna inkiraan waxay dhib iyo gabood fal ku faleen noocyada aadamaha halka ay madxafyo u samaysteen iyo calaamooyin dhib wixii iyaga loo gaystay,si aan loo iloobin cuqdadaas iyo dhibkaas jiilba jiil usii gudbiyo. Taasoo keenta in aan laysu imaan abid kol hadii godob laysu haysto!!. meeshaa cafis ayaa ka maqan.

Dadka soomaalida ah waxay haystaan dhaxal diineed iyo dhaqanka aduunka usareeya oo cid lawadaagtaa jirin dunida, horta diinteena islaamku waxaan ka dhaxalay markaad fahanto qisadii Nabi yuusuf iyo walaaladii oo dil u qorsheeyay balse xag allaah kabad baaday, kadibna ay ceel ku rideen,ayaa aakhirkii isagoo boqor ah ay hoos yimaadeen walaaladii sidaa u galay,wuxuu helay fursad uu kaga aarsan karo oo buuxda, laakiin wuxuu sameeyay in uu cafiyo soo dhaweeye wuxuu heli karana siiyo!! taa macnaheedu waxaa weeye wuu CAFIYAY DHIBKII AY SOO MARIYEEN WALAALADIIS.

Waxaa loo jeedaa oo dhaxalkaa loo reebay waa inaga ah muslimiinta in aan sidaa qaadano oo iscafino. Dadka soomaaliyeed waa dad islaam ah waana in ay sidaa yeelaan wax kastoo sookala dhexmaray walaalaha. DHAQANKA DADKA SOOMAALIYEED WAA QAALI waxayna yiraahdaan “WIXII DHACAY AYNU KA NOQONO XALAY DHALAY” waana is cafiyaan si dhab ah cuqdad fog malaha soomaalidu sida dunida qaarkeed. waana meelaha soomaalida aan lagu gaari karayn run ahaan.

Waxaan dadkayga soomaaliyeed leeyahay, war aynu arinteena dib uugu noqono diinteena siday ina farayso oo aynu dib uugu noqono dhaqankeena qaaliga ah ee soomaaliyeed. Labadaa inagoo ka duulayna waa in dhab loo heshiiyaa si aan u bad baadno labadan daaroodba daartan aduunka ah iyo mida aakhiro. Maxaayeelay waxaa muuqata in sidan aynu ku seegayno labada daaroodba war aan isdaba qabano.

Labada madaxweyne ee soomaaliland iyo soomaaliya waa niman akhyaar ah,waryaan shaydaan lagu noqon haday isku dayaan in dalkeenan iyo dadkeenan baabasan isu keenaan oo dalkeena kusoo dabaalaan dawlad nimo iyo kala danbayn buuxda. war walaalayaal aaway raganimadii soomaaliyeed miyaydaan dareemin dawladaha cadawga ah ee diidan in ay heshiiyaan FARMAAJO IYO MUUSE OO AH LABA ILMAADEER AH! Dalkeena iyo dawladnimadeena iyo dadkeena maxaynu u halaagaynaa waa sidee xaalkeenu soomaaliyeey.

Waxaan rabnaa iscafis,waxaan rabnaa midnimo iyo wada jir,waxaan rabnaa dawladnimo iyo hormar war dadka yaan lasii kala fogayn war dadka halaysku soo dhaweeyo waa isma hurtee. Waxaan anoo ah nin soomaaliyeed diyaar u ahay si qalbi ahna u aamin sanahay in aan raali galiyo dhibkii ku dhacay walaalahay soomaaliland,waxaana aad uugu garabtaaganahay madaxweynahayga Farmaajo garawshihiisa iyo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse biixi aqbalkiisa.

Walaalahay Soomaaliland waa kuwii awoow yaalkiin dhaliyay xoriyada,waa kuwii keenay midnimada Soomaaliyeed Adeer tiibaan iidnka fadhiyaa soomaali halkay taalana waad aragtaan intaas ayaan idin leeyahay. Kuwa hurinaaya hadalada xanafta leh ee labada dhinacba kasoo yeeraaya ha gaabsadeen soomaali dhib in kufilan soo martay.MAANKA KU HAYA OO FULIYA ISCAFINTA ILLAAHAY INA FARAY IYO DHAXALKII NABIYADA AYNU RUMAYNNAY IYO GAAR AHAAN DARDAARANKII NABIGEENA MUXAMED CALEEYHI SALAAM.

Comments are closed.