Somaliland oo deegaanadeeda ka mamnuucday Suuqa Lacagaha Qalaad ee Forex

0

Bangiga dhexe ee Somaliland ayaa war uu soo saaray waxa uu deegaanada Somaliland kaga mamnuucay Shirkadaha Suuqa Lacagaha qalaad ee Forex oo muddooyinkii kusoo kordhay Dalka.

Xaanshida Bangiga kasoo baxday waxaa lagu caddeeyay in muddooyinkii dambe ay baaris ku hayeen Adeeggaan, balse ay ku ogaadeen in aanu ku jirin Suuqyada Sharciga ah ee Caalamiga sida qoraalka lagu yiri.

Bangiga ayaa dadka ku lugta leh iyo Hay’adaha Maamulka uga digay in ay ku dhiiradaan qayb ka noqdaan in Dadka hantida leh ay u furan adeeggaan.

Waxa ay Digniin u direen shaqsiyaadka Gudaha Somaliland ka wada dhismaha Shirkado faraceed ku shaqeysta Suuqa Lacagaha qalaad ee Tooska ah (Forex), waxaana lagu qeexay warqadda in uu ka hor imaanayo qodobka 97-aad, Farqadiisa 1-aad Xeer lambar 54/2012 ee Dastuurka Somaliland.