Shir Uu Ka Qeybgalay Wasiir Sadiiq Warfaa Oo Lagu Soo Geba-Gebeeyay Magaalada Nairobi

0

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa lagusoo gabagabeeyay shir looga hadlayay arrimaha shaqaalaha Soomaaliya kaas oo muddo dhowr cisha ah ka socday dalkaas.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa ka qeybgelay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sadiiq Warfaa  iyada oo ugu dambeyn lasoo xiray ,adib markii sedexdii maalin ee klasoo dhaafay aad looga dooday  xaqa Hawl-gabka shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed.

Shirka waxaa ka qeybgalay wasaaradaha Shaqada ee dowlad-gobolleedyada, guddiga shaqaalaha rayidka Federaalka iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan bangiga adduunka, iyadoo aad looga falan- qooday siyaasadaha iyo xeererka ugu degsan Dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada xubnaha ka ah.