SAWIRRO:-Jabuuti : Siciid DENI oo Booqday Dekaddii Imaaraadka laga Eryay iyo Goobo kale

0

Weftiga Puntland ee uu hoggaaminayo madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ee ku sugan wadanka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa booqday goobo muhiim ah oo ku yaal wadankaasi.

Goobaha ay booqdeen waxa aka mid ah Dekadda Dooraale, Dekadda Damerjoog, Xarunta xargaha qaada Internetka xawaarihiisu dheereeyo “Fibre Optic Cables” iyo aaga ganacsiga xorta ah ee “Jabuuti Free Trade Zone”.

Dekedda Dooraalle ayaa Dawladda Jabuuti Horay uga Caydhisay Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, Iyadoona hada shirkadaasi ay gacanta ku hayso dekedda magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa booqashada xarumahan ku weheliyey xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee dalka Jabuuti iyo Masuuliyiinta xarumaha uu booqday oo marwalba Madaxweynaha warbixin ka siinayey xarumahaasi.

Madaxweyne Deni oo shalay gaaray magaaladda Jabuuti ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay guddoomiyaha barlamaanka dalkaasi, wasiirka arrimaha dibada iyo xubno sarsare oo ka tirsan xukuumadda Jabuuti.

Madaxweynaha Puntland  iyo waftigiisa ayaa la filayaa inay la kulmaan madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.