Dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ka baxay Degmada Jamaame

0

Wararka ka imaanaya degmada jamaame ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay isaga baxeen degmadaasi, sida wararka halkaas ka imanaya ay sheegayaan

Taliyaha Guutada 11aad, Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga dalka G/le Sare Maxamed Badal Xasan oo la hadlay warbaahinta ku hadasha Afka ciidamada dowladda  ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay gaari doonaan Jammaame, halkaasi oo ay haatan u jiraan hal Kiilo mitir.

G/le Sare Maxamed Badal, ayaa tilmaamay in howlgalkaan ay sameeynayaan Ciidamadda Guutada 11aad, Qeybta 43aad iyo Ururka 5aad, Guutada 16aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka, islamarkaasna Goobihii ay soo mareen  ay kasoo saareen ilaa iyo labo miino oo nooca dhulka lagu aaso ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay laga helayo degmada Jamaame ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaqyo militari laga dareemayo degmadaasi, iyadoona cabsi badan ay soo wajahday dadka shacabka ah ee ku nool degmadaasi.