Maamulka Hir-shabeelle oo war ka soo saaray dagaalka ka dhacay Magaaladda Jowhar

0

Maamulka Hir-shabeelle ayaa ka hadlay dagaal xalay ka dhacay Magaaladda Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-shabeelle kaasi oo u dhaxeeyay ciidamadda Hir-shabeelle iyo rag hubeysnaa.

Wasiirka Amniga Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebooka ayaa sheegay in xubno ka Tirsan Shabaab ay weerar kusoo qaadeen Koontorool laga soo galo Magaalada Jowhar, islamarkaana Ciidamada ay iska caabiyeen sida uu qoraalkiisa ku sheegay

“Al-shabaab ayaa isku dayday in ay ammaanka qal-qal galiyaan, waxaana Rasaas ay Kusoo Tuur Tuureen Bar Fariisan u ah ciidanka ammaanka Hirshabelle oo bannaanka Magaalada ah, taasoo laga Kontoroolo Dhaq dhaqaqa dadka soo galo Magalada iyo Dadka kabaxa” sidaasi waxaa yir Wasiirka Amniga Hir-Shabeelle.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo looga hadlaayo dagaalka xalay ka dhacay Magaaladda Jowhar.