Akhriso:-Mareykanka oo ka hadlay Duqeyn ka dhacday Jilib

0

War saxaafadeed kasoo baxay hawlgalka dowladda Mareykanka u qaabilsan qaaradda afrika ee Africom ayaa lagu sheegay in weerar ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku beegsadeen qaar kamid ah xubno kamid ah dagaalamayaasha al-Shabaab.

Weerarka oo ahaa dhanka cirka ayaa sigaar ah kaga dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubadda dhexe halkaas oo ay ku xoogan yihiin dagaalayaasha al-Shabaab.

War saxafaadeedka kasoo baxay Africom ayaa lagu sheegay in lagu qaarijiyay mid kamid ah saraagiisha al-Shabaa, iyagoona sheegay in sarkaalkan uu xiriir lahaa ururka Al-qaacida..

Ku xigeenka  hawlgalada Africom Miguel Castellanos, ayaa sheegay in dagaalayaasha al-Shabaab ay qayb ka yihiin kooxaha argagaxisada ah ee dunida kajiro ayna doonayaan in sara ay usii qaadaan weeraraooda ay ka fuliyaan Somalia.

“”In aad disho hal ruux oo kamid ah argagaxisada ayaa gobolka iyo Mareykankaba ka dhigeeso mid bad qaba, iyadoona ay sii socon doonaan cadaadiska looga hortagayo al-Shabaab”  ayuu hadalkiisa sii raaciyay Miguel Castellanos