Cutubyo ka tirsan kumaandooska Gorgor oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

0

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed, Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo ay wehliyaan taliska xarunta tababarada ciidamada ee Turki-Som ayaa gelinkii dambe ee shalay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay cutubyo ka tirsan kumaandooska Soomaaliya ee Gorgor oo tababar gaar ah ku soo qaatay dalka Turkiga, kuwaasi oo Muqdisho dib ugu soo laabtay.

Taliye ku-xigeenka ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sareeyo Guuto Maxamed Cali Bariise oo goobta kula hadlay ciidamadan ayaa xusay in door weyn ay ka qaadan doonaan dadaalada Dowladu ay dooneyso in ay ku xasiliso dalka, wuxuuna intaasi ku daray in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin sidii shacabka Soomaaliyeed ay uga dulqaadi lahaayen culeeyska ay kuhayaan Al-Shabaab.

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ayaa xusay in dowladda federaalka Soomaaliya oo ay hogaamiyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ay mudnaan gaar ah siisay dhismaha ciidanka xoogga, isagoo intaa raaciyay in tababarada gaarka ah ee ciidamada ay ku soo qaataan dalka dibadiisa ay qeyb ka tahay joogtaynta xuquuqda ciidamada.