Ammaanka Dhuusamareeb Oo Si Weyn Loo Adkeeyey

0

Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in si aad ah loo adkeeyey ammaanka guud ee magaaladaasi.

Ciidamo faran oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa la soo dhoobay xaafadaha kala duwan ee magaalada Dhuusabareeb oo xarun ah maamulka Galmudug.

Sidoo kale ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay xireen dhaq dhaqaaqa waddooyin dhowr ah oo ku yaalla degmadaasi.

Saraakiisha ciidamada ammaanka ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii loo xaqiijin lahaa nabad gelyada, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad gelyada.