AKHRISO:- Bukaankii u horeeyay oo cudurka Coronovirus ugu dhintey qaarada Yurub

0

Bukaankii ugu horeeyay ee cudurka Coronovirus ee ka dilaacay dhowaan dalka Shiinaha ugu dhinta meel aan ahayn qaarada Asia ayaa ku dhintey magaalada Paris ee caasimada dalka Faransiiska.

Dalxiise u dhashay dalka Shiinaha oo 90 jir ah kana tegey gobolka Hubei ayaa ugu dhintey cudurkan isbitaal ku yaal magaalada Paris sida ay xaqiijisay wasiirka caafimaadka Faransiiska Agnes Buzyn.

Odaygan da’ada ah ee geeriyooday ayaa yimid magaalada Paris 16kii bishii hore waxaana lagu dhigay 25kii bishii Janaayo isbitaal halkaas oo lagu karantiilay.

Illaa hadda dadka u geeriyooday cudurkan ayaa marka laga reebo gudaha dalka Shiinaha waxaa hore ugu geeriyootay dalalka Hong Kong, Philippines iyo Japan saddex ruux.

Si kasta ha ahaatee,1,523 ruux ayaa ugu geeriyootay cudurkan gudaha dalka Shiinaha iyadoo dadkaasi badankood ay ku dhinteen gobolka Hubei.

Tirada dadka uu cudurkan soo ritey ayaa gaartay 66.492 iyadoo maalmihii la soo dhaafay dad badan uu soo ritey tiro kalana ay u dhinteen.

Dalka Masar ayaa laga helay bukaankii ugu horeeyay ee qaba cudurkan Coronvirsu oo lagu arkay dal ku yaal qaarada Afrika.

Hay’ada Caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ku baaqday in dalalka caalamka oo idil u diyaargaroobaan ka hortagida cudurkan.

Dalka Faransiiska ayaa ahaa dalkii ugu horeeyay ee Yurub ka mid ah oo cudurkan laga helo waxaan ku sugan illaa 11 ruux oo qaba cudurkan waxaana lix ka mid ah dadkaasi ay weli ku jiraan isbitaal.