DHAGEYSO:-Macalin Maxamuud Sheekh Xasan”Waa inaan markale hubkeena lasoo baxnaa “

0

Hoggaamiyaha Guud ee Ururka Ahlusunna Wal-Jamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa sheegay in waxa haatan ka socda deegaannada Galmudug aysan aheyn wax loo dul qaadan karo.

Isaga oo qaar kamid ah taageerayaasha Hoggaanka Ahlusunna kula hadlayay Dhuusmareeb ayuu soo hadal qaaday xayiraad muddo kooban la saarey Qaar kamid ah Odayaal iyo Waxgarad kasoo baxey Guriceel kuna wajahnaa Dhuusamareeb,waxaana uu sheegay in hadii ay hub wadan lahaayeen aan la celiyeen.