PUNLTAND SHACABKA DANTIISU WAA DAWLAD SOOMAALIYEED OO HANATA DALKA OO DHAN DANTA DANI WAA MAXAY?

0
Wadan walba waxa dadkiisu qiimo ku leeyahay,dadkiisana lagu tix galiyaa,dal ahaana looga haybaystaa markuu leeyahay,dawlad hanata oo sugta xuduudaheeda bad iyo bari iyo cirba. Marka uu leeyahay sidoo kale halmadaxweyne,hal calan,hal caasimad. dalka soomaaliyeed dawladi hada uuguma horeeyso oo waxa uu lahaa dawlado shaqeeya laga soo bilaabo 1960-1991 dii.
Dadka soomaaliyeed waxay baadi goob xoogleh uugu jireen sidii ay ku soo ceshan lahaayeen,dawladnimadii ay gacmahooda ku burburiyeen. dadaal dheer kadib maanta illaahay mahadii wax la soomarayba hada soomaaliya meel wanaagsan ayay maraysaa iyo hana qaad dawladnimo oo cad.shacabka soomaaliyeed waxa uu garab taagan yahay dawladiisa si amaanka dalka cadawga afka duuban looga sifeeyo,iyo shabaab kalkaal,si looga sifeeyo dawladiid iyo danayste u shaqeeya dawlado shisheeye iyo shirkado maafiya ah. si loo sugo xuduudeenii oo aan u noqono sida wadamada dariska iyo dawladaha caalamka oo kale dal sugay xuduudiisii.
Dalkeenu mudo dheer waxa uu iska ahaa goob dawlad walba oo cadaw u ah soomaaliya ay iska soo gasho,meel ay isugu yeertaan argagixisada caalamiga ah,meel ay ka danaystaan maafiyada caalamiga ah iyo hooy lagu beero xashiishada iyo noocyada mukhaadaraadka haliga aadamaha caafimaadkiisa iyo noloshiisaba.
Hadaba kooxo farabadan oo abuurmay dalkeena kadib markay ogaadeen in soomaaliya ay burburtay dawladnimadii oo adeegsanaaya dad soomaaliyeed,ayaa in badan oo kamid ah laga takhalusay sida dagaal oogayaashii. hayeeshee waxaa inagu sii harsan marka laga soo tago cadawga shabaab,Madaxweynayaal yar yaroo u samaysan qabyaalad iyo qabiil oo mid midka kale arki karin waxna ku darsan ee mid waliba qabaa ilkiisa u dawladeeyo. ugu horeeyna waxa abuuray waa fikir isticmaarsi iyo gumaysi oo ahaa in soomaaliya aysan mudo dhaw helin isfahan iyo in ay soo ceshato hanaankii dawladnimo.
Madaxweynaha yar ee qabiilku calan yarbuu meel kataagtay,waxa uu arinkaa ku  helaa in roog guduudan loo dhigo,layiraahdo madaxweyne,lacagna sidaa ku kasbado,oo caawimaada dawladaha qaar siiyaan deegaankaas uu jeebka gashado, canshuurtana aruursado,wax uu dadka u qabtaana aysan jirin,ninkii hadlana uu qabiilkiisa ka horgeeyo. markaa Madaxweyne goboleedka dhismay ma doonaayo dawlad soomaaliyeed oo hana qaada,oo dalka oo dhan hanata. Maxaayeelay dantiisa waxa ay ku jirtaa isaga dawalad soomaaliyeed oo aan lahelin markaa had iyo jeer waxa uu ka shaqaynayaa sidii uu uburburin lahaa dawlad soomaaliyeed in shacabka soomaaliyeed helaan.
Maamul goboleedka hada dhismay sida koonfur galbeed iyo hirshabeele waxay ku taagan yihiin dariiqii ay soomaali ku heli lahayd dawlad dalka hanata waxayna sida xaqa iyo sharciga iyo dawlad nimaduba ay tahay garabtaagan yihiin dawlada soomaaliyeed oo ah danta shacabka soomaaliyeed. waana sidaa sida laga rabo dagmo iyo gobolkasta oo soomaaliyeed.
PUNTLAND
Madaxweyne dani waa mid kamid ah, shan madaxweyne oo jifo ah iskana dhaxlay maamul goboleedka Puntland iyagoo ka faa iidaystay dawlad la aantii dalkeena ka dhacday 1991.wax dan guud ah oo ama isbitaal ah,ama iskool ah,ama wada ah oo ay qabteen majirto.hadna markay arkeen in  dawlad soomaaliyeed oo xoogleh shacabka soomaaliyeedna taageersan yahay dhalatay,ayay bilaabeen sidii ay u burburin lahaayeen dadkana uuga horkeeni lahaayeen. sababtuna waxaaweeye Madaxweyne Dani dantiisu waa in uu haystaa lacagahaa uu kahelo Puntland,waa in uu haystaa saldanadaas laleeyahay madaxweyne oo dhaxalka ah una xiran jifadiisa. sikale hadaan u iraahdo waxay noqotay il dhaqaale oo dad yaroo kaligood cunayaal ahi heleen.
Dani danta shaqsiga ah ayaa kala wayn danta shacabka wax kalaba daayoo kuwa Puntland,maxaayeelay xataa ardaydii ayuu seejiyay in ay helaan jaamacado oo qaataan shahaadada qarankooda ee dawlada fadaraalka ah bixiso siday waligeedba ahaan jirtay oo simaysa ardayda soomaaliyeed ee dalkoo dhan. Dani waa nin aan jeclayn in indhihiisu arkaan cid aan jifadiisa ahayn oo wax baranaysa yaabka  iyo argagaxa la arkay!!
Dani isagu waaba cadaw weyn oo xagjir ah kol haduu arki karin arday siman oo fursada waxbarashada isku si u hesha. waa cadaw weyn oo u cadaatay soomaali maxaayeelay ciidamadii qaranka ee xuduudaha dalkeena sugaayay oo raacii u horeeyay gaaray xuduuda kenya iyo soomaaliya oo shabaab iyo kenya amaanka shacabka soomaaliyeed wax uugu dhimaan oo lawada ogyahay ayuu markii sandareedadii lacageed gumaystuhu siiyay ku dhawaaqay waa khalad in ciidamo loo diro gobolka gedo!! waxa uu uga naxay guushaa ciidanka xooga soomaaliyeed ay gaareen,guushaa shacabka soomaaliyeed ku diirsaday,guushaa dawlada soomaaliyeed heshay sida ay u naxday dawlada kenya iyo dawladaha cadawga u ah soomaaliya!
Naxdintii uu Dani ka naxay ciidanka xooga dalkeena,waxay gaarsiisay in uu isku dhex yaacay oo uu yiri waaba haramcad oo ariguu cunaa isagoo ula jeeda haday cagta marinayaa shabaab iyo askarta kenya! ariga waxa uu ula jeedaa shabaab iyo kenaya haramcadkana waa ciidanka xooga markaa isagu ma doonaayo in shabaab laga saaro dalkeena oo amaan helo iyo dawlad ogaada.
Shacabka soomaaliyeed mudo aad u dheer ayaa qabiil lagu kala qoqoqobay oo tuugo iyo danaystayaal iyo maafiyo ay haysteen hada waa dhamaatay taasi. maxaayeelay waxa soomaaliya shacabkeedu fahmay in dantoodu tahay oo kaliya dawladnimo iyo soomaalinimo iyo wada jir,hal dal,hal madaxweyne, hal calan, hal caasimad.
Shacabka Puntland waxay si qodo dheer uuga dharag san yihiin,in hadii dawlada fadaraalku danihiisa gaarka u fuliso,oo u yeerto uu markiiba aadaayo kiiba maha! hadana shacabkuu uugu sheekeynayaa Mogdisho ha aadinina,cadaw baa dagan dawlada fadraalku waa idin necebtahay puntland baa la burburinayaa hawiyaa idin qabsan! waa sheekadii umada soomaaliyeed lagu soo halaagay mudada dheer shacabkuna waa baraarugsan yahay. shacabka Puntland waxay 100% boqolkiiba boqol taageersan yihiin dawlada dhexe ee fadaraalka ee soomaaliyeed.
Shacabka soomaaliyeed dan uuguma jirto qabiil qabiil u dawladeeynaaya,oo aan meela lagu gaarayn dantu waa dalkeena oo yeesha dawladnimo buuxda,si taa loo gaarana waa waajib in aan taageerno dawladnimada soomaaliyeed xataa haday tahay dawlada uugu xun aduunka,maxaayeelay dawladnimadu waa lagama maarmaan.
Dani waa cadaw muuqda oo hortaagan soomaali israacda hesha dawlad soomaaliyeed,waana sidii nin jaajuus ah ninkaa meeraysanaaya safaaradaha ajinabiga ah ee dagan dalka kenya!! shacabka soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan kan Puntalnd waxay arkaan in arinkaasi yahay qiimo jab iyo sharaf xumo heerkii usaraysay iyo badawnimo. Safaaraduhu waa dawlado wakiiladood way garanayaan in Dani soo dhinacmaray dawladiisii uu xubinta ka ahaa ee fadaraalka,way garanayaan in uu yahay qof aan lahayn shaqsiyad oo khiyaamaya dalkiisii. waxaa xusid mudan in aadan marna arkayn  madaxda maamul goboleedyada dawladaha fadaraalka ah sideena oo kale,tusaale ahaan dawlada Ethiopia oo maamul goboleed kamid ah ninkii madaxda ka ahaa soo qaato liis dheer oo ay ku qoran yihiin cinwaanada safaaradaha  oo kolba safaarad reer galbeed oo ku taal Nairobi kenya galayaa!! waa wax ka reeban nidaamka dawladnimada.
Laakiin halkaa waxaad ka garan kartaa Dani in uu yahay nin hunguri uun wado oo qaab maafiyo iyo jirinimo ku shaqaynaayo.hadee waadna ogtihiin oo qaranka soomaaliyeed basaboor unbaa ka dhaxeeya ninkii lahaa weeye! halkaa waxaad ka fahmaysaa in aan dawldnimaduba u bilawnayn ninkaan iyo siduu u haysto dawladnimo!!
shacabka Puntland wayka horeeyaan Dani,waxayna is waydiiyeen shirka wada tashiga ee uu ku baaqay waa goorma? shalay markuu Kismaanyo kula shiraayay,kooxo dan leey ah oo diidan in ay soomaaliya hesho dawlad shaqaysa, oo dawladan curdanka ah lagu shirqoolaayay uu ka qayb galaayay,miyuu kala tashaday shacabka Puntland? shacaka puntland miyuu saacad tix galiyay rabi taankooda ah in lataageero dawlada fadaraalka ah ee soomaaliya? maya waa DICTEEYTAR KALIGII TALIS AH OO CADAW AH. Maantana tashi ma aha ee waa nin meel cidla ah kusoo dhacay oo waxba gacan uugu jirin!!! Markaa bal hada kuwan isticmaal buu isleeyahay taagaas!
Maanta shacabka Puntland matalo ayay u baahan yihiin,mise waxay haystaan dawlad dhexe ee fadaraalka ee soomaaliyeed iyo madaxdooda qaaliga sida madaxweyne farmaajo iyo  raysal wasaare khayre oo ay taageer san yihiin. hadaa larabaa in shacabka dib loo celiyo taasi waa dhamaatay.ma waxaa laga xun yahay Mogdisho oo ah caasimadii soomaaliyeed oo dawladu wax ka qabatay farabadan dhan walba oo soocelisay bilicdii caasimada soomaaliyeed MOGDISHO?
SHacabka Puntland waa ku faraxsan yihiin raacsan yihiin,MOGDISHO iyo shacabkeeda iyo dawlada soomaaliyeed ninkii ka xuna gacanbir ah ayaan ku qabanaynaa waana xiraynaa cidkastoo caqabad ku ah dawlada soomaaliyeed iyo shacabka soomaaliyeed ee isla jaan qaaday. Danta Dani Danta shacabka soomaaliyeed baa kaweyn,haduu caga dhigan waayo sharcigaanu la tiigsan nagamana fakan karto cid aan diirada saaray. Waxaa la yiri DAQSIGII DUUL DUUL BADAN FUUD KULUL BUU KU DHACAA