Ganacsade Isku Daldalay Dalka Koonfur Africa Kadib Markii Amar Lagu Soo Rogay

0

Muddooyinkii dambe waxaa isisoo tarayay weerarka lagu hayo goobaha ganacsiga ee ay leeyihiin Ajaanibta ka shaqeysata gudaha magaalooyinka waaweyn ee dalka Koonfur Africa iyo qaar ka mid ah gobolada dalkaas.

Burcadda Koonfur Afrikaan ka ah ayaa caadeystay weerarada goobaha ganacsiyada oo dhac u gesta inta badana sameeyay weeraro dhiig uu ku daato,oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac lagula kaco ganacsatada Ajaanibta ah ee ay ku jiraan Soomaalida.

Ganacsatada Koonfur Africa ayaa sheegay in ay arkeen dhacdo ay aad uga argagaxeen kadib markii ay arkeen Ganacsade Itoobiyaan ah oo goobtiisa Ganacsi Isku daldalay,kadib markii Booliisku ay ku amreen in uu xiro goobtiisa Ganacsui sida ay sheegeen.

Muuqaal laga soo qaday ayaa muujinayay Ganacsadaha oo xarig ku xirtay goobtiisa Ganacsi kadibna qoorata gashaday isaga oo sidaas ku geeriyooday,qaar ka mid ah Soomaalida ka ag dhawaa oo ku baxay ayaa sheegay in ay aad ula yaabeen dhacdadaan kuna wargeliyeen Booliiska.

Ganacsatada ayaa inoo xaqiijiyay in dhacdadaani ay ka Dhacay Gobolka Gauteng mawaadin Itoobiyaan ka ahna uu isku daldalay kadib markii lagu amray in uu xiro goobtiisa ganacsi taas oo u cuntami weysay kana door biday in uu isdilo.

Inta badan dalka Koonfur Africa ayaa waxaa laga soo weriyaa weeraro khasaaro geysta oo Burcad Koonfur Afrikaan ah kula kacaan Soomaalida iyo qaar kale oo ka mid ah Ajaanibta kale ee ganacsiyada ku leh gudaha dalka Koonfur Africa.