DHAGEYSO:-Xaalada Magaalada Kismaayo oo saaka degan

0

Waxaa saakay degan xaalada Magaalada Kismaaayo ee gobolka jubbada Hoose, kadib markii halkaasi ay ku dagaalameen ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland iyo kuwa Taabacsan Siyaasiga Cabdi Naasir Seerar oo sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

Ammaanka magalada Magaalada Kismaayo ayaa saakay aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo aad u fara badan, sida uu soo sheegayo weriyaha KNN ee Magaalada Kismaayo.

Maamulka Jubbaland ayaa waxaa uu dowladda Federaalka eedeeyay in ay ka dambeeysay  qalalaasihii shalay ka dhacay Magaalada Kismaayo.