AKHRISO:- Madaxweyne Farmaajo Oo Raaligelin Ka Bixiyay Dhibaatadii Dowladdii Kacaanka Ay U Geysatay Gobolada Waqooyi Ee Somaliland

0

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa Cudur-daar iyo Raali galin ka bixiyay Xassuuqii ay dawladdii Militerigu hoggaaminayeen ee Gen. Maxamed Siyaad Barre, u gaysatay Shacabkii gobolada Waqooyiga ee dhibaatadaasi saameysay kadibna ku dhawaaqay Madaxbanaanida Somaliland muddo laga joogo 30 sano.

Madaxweyne farmaajo ayaa cafis ka dalbaday shacabka Somaliland isagoo maanta khudbad ka jeediyay Shir ka socda Magaalada Muqdisho oo liiga hadlayay arrimaha garsoorka dalka.

Hadalka uu jeediyay Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo aadaya iyada oo Maalin ka hor markii u horaysay tan iyo intii la doortay ay ku kulmeen Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne Farmaajo kulankaas oo ka dhacay magaalada Adi’s Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.