DHAGEYSO:-Maamulka axmed madoobe oo DFS ku eedeyay dagaal ka dhacay kismaayo

0

Wasiirka warfaafinta Dowlad-goboleedka Jubbaland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ciidanka amniga Jubbaland ay fashiliyeen isku day ay Dowladda Federaalku ku khal khal gelinayso nabadgelyada magaalada Kismaayo.

Eng Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed Wasiirka warfaafinta Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in ciidanka amniga Jubbaland ay dhabarka ka jebiyeen qorshe ay Dowladda Federaalku ugu talo gashay in ay ku bur-buriso nabadgelyada magaalada Kismaayo, iyada oo adeegsanaysa kooxo malayshiyaad ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay safarkii ay maanta magaalada Kismaayo ku yimaameen Taliyaha howlgalka AFRICOM Stephen Townsen iyo safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Donal Yamamoto.