DAAWO:-Golaha Aqalka Sareee Baarlamaanka Soomaaliya oo Cod Aqlabiyad ah Ku Ansaxiyey SharcigaJaan-goynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliya

0

Golaha Aqalka saree ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansaxiyey sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliya oo hore na ay u soo ansaxiyeen Golaha Wasiirada XFS iyo Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS.

Sharcigan oo abuuraya hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliya, ayaa waxa soo curisay soona diyaarisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo sidoo kale na ay kala soo shaqeeyeen guddiyada Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Warshadaha ee labada Aqal Baarlamaan ee Soomaaliya.

Sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliya, ayaa ahmiyad weyn u leh shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu ilaalinayaa bad-qabka caafimaad ee qofka Bani-Aadamka ah iyada oo u ilaalinayo dhowrista tayada cunada iyo waxyaabaha kale ee dalka lagu isticmaalayo. Sida oo kale wuxu kor u qaadayaa kalsoonida dhinaca Ganacsiga ee wax-dhoofinta oo uu Ganacsigeena u fududeynaayo siddii loogga aqbali lahaa suuqyada caalamka.

Sharcigan, ayaa dhaqan-geli doona marka uu saxeexo Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo Goleyaasha Qaranka uga mahad-celinaya ansaxinta sharcigan, ayaa waxa uu yidhi:

“Waxaan u mahad-celinayaa Xildhibbaanada Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ansaxiyey sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliya oo maray akhrintiisii saddexaad.  Guud ahaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Xildhibbaanada Labada Aqal Baarlamaan iyo cid kastoo ka qeyb-qaadatay ba, waan uga mahad-celinayaa siday iskugu hawleen sharcigan oo soo maray marxalado badan kana soo gudbay la tashiyadii iyo dariiqyaddii sharci ee loo baahnaa.”.

Wasiirku, wuxu sidoo kale ka hadlay ahmiyadda uu sharcigani dalka u lee yahay, waxaana uu yidhi:  “Sharcigani, wuxu abuurayaa Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliya oo ilaalin doonta bad-qabka qofka iyo bulshada oo uu u ilaalinayo caafimaad ahaan iyo dhaqaale ahaan ba, waa sharci kor-u-qaadaya kalsoonida badacadaheena Ganacsi ee ka dhoofa dalka sidoo kale na ilaalinaya tayada kuwa la innoo soo dhoofiyo iyo weli ba waxyaabaha dalka gudahiisa lagu isticmaalo”