Kenya oo ciidamo hor leh geysay Mandheere

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Mandheere ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya  ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ay dowladda Kenya ay ciidamo dheeraad ah keentay Magaaladaasi.

Ciidamada ayaa watay gaadiidka Dagaalka,sida ay wararku sheegayaan.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii shalay ay masuuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ee ka soo jeeda Magaalada Mandheere ay ku dowladda Kenya ugu baaqeen in ciidamo uu wato wasiir Janaan ay ka baxaan Magaaladaasi.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa laga dareemayaa magaalada mandheere ee gobolka Waqooyi bari ee Kenya.