Trump oo shaqada ka ceyriyay saraakiil ku marqaati furtay

0

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaqada ka ceeriyay illaa iyo masuul oo dhawaantan ku marag furay intii ay socotay dacwadiisii xil ka qaadis.

Mid kamid ah masuuliyiinta shaqada laga ceeriyay ayaa ah safiirkii dowladda Mareykanka u fadhiyay Midowga Yurub.

Safiirka ayaa warbaahinta u sheegay in madaxwaynuhu uu ku amray in si deg deg ah uu dalka dib ugusoo laabto.

Xubnaha aqalka sare ee dalka Marykanka ayaa kasoo hor jeystay in xilka laga qaado madaxwaynaha 45’aad ee dalka Mareykanka.

Go’aanka aqalka Sanatka’na waxa uu meesha ka saaray rajadii Dimoqoraadiyiintu ay ka qabeen in madaxwayne Trump uu xafiiska dhameeyo kahor inta uusan dhameesan sanadka u harsan.