Wasiir Janan oo gaaray Beledxaawo

0

Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ayaa waxaa uu goordhow gaarey degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Maamulka iyo bulshada Baladxaawo ayaa wasiirka si diiran ugu soo dhaweeyey halkaas waxaana dhawaan la filayaa inuu lahadlo warbaahinta kana warbixiyo afduubkii shantii bilood ee lasoo dhaafey Muqdisho loogu haystey.

Dhawaan ayay aheyd markii Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur Janan Wasiirka Amniga Jubbaland uu ka baxsaday xabsi ku yaala Magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay taliye ku xigeenka ciidanka booliska Soomaaliya,waxana intaasi kadib uu tegay Kismaayo,isaga oo uga sii gudbey Magaalada Nairobi.