Banaan bax lagu taageerayo madaxda Galmudug oo goordhow ka bilowday Guriceel

0

Banaanbax nabadeed oo lagu taageerayo doorashada Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa goordhow waxaa uu ka blowday Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Qeybaha kala duwan ee  bulshada iyo waxgaradka degmada  oo taageero u muujiyey Madaxweyne Qoor-qoor iyo ku-xigeenkiisa ayaa haatan waxaa ay ka dhigayaan bartamaha degmada Caabud waaq, iyagoona wata boorar lagu sawiray madaxda Galmudug.

Dibadbaxan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa, kadib markii shalay banaanbaxyo lagu taageerayo madaxweynaha iyo xigeenkiisa ay ka dhaceen Magaalooyinka Dhuusamareeb, Gaalkacyo iyo Cadaado.