SAWIRRO:-Xarun loogu tala galay in lagu xareeyo Xoolaha waddooyinka dhexda socda oo xariga laga jaray

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray xarunta baadi qabadka ee xoolaha nool oo lagu sameeyay dib u dhis iyo dayactir.

Xaruntan ayaa u qeybsan saddex qeybood looguna talagalay in lagu ganaaxo xoolaha ku xadgudba bilicda Caasimadda Muqdisho

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Mxamed Maxamud ayaa warbaahinta u sharxay daahfurka xaruntani oo ku taala kawaan barri, waxaana uu xusay wixii hada ka dambeeya xoolaha iska socda magaalada lagu xareyn doono.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowlada hoose Xamar ay waajibaad keeda ka gudan doonto xoolaha magaalada lagu soo fasaxo, isagoo xusay in xoolaha waddooyinka dhex socda ay caqabad ku yihiin bilicda magaalada.

Dhowaan ayay aheyd markii Guddoomiye Cumar Filish uu digniin u diray dadka leh xoolaha iska socda magaalada in lagu xareyn doono goob loo diyaariyay, isla markaana wixii hadda ka dambeeya aanay u dulqaadan doonin xoolaha la isaga soo fasaxo magaalada ee bilicda magaalada wax u dhimaya.