Safaarada Mareykanka ee Muqdisho oo aqoonsatay Doorashadii Axmed Qoor Qoor

0

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa si degdeg ah ugu hambalyeysay Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Galmudug ee ahaa nidaamkii doorashada ay taageersaneyd dowladda Federaalka taageersaneyd.

War qoraal ah oo ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in wixii hadda ka dambeeyay bilaaban doono geeddi socod wada hadal nabadeed.

“Geedi socodka siyaasadeed ee Galmudug waa bilowga geedi socodka dib u heshiisiinta sal ballaaran, Amb Yamamoto wuxuu ugu baaqayaa qof walba inuu ku biiro wada hadal nabadeed oo ka fogaado qalalaase. hambalyo Madaxweynaha cusub ee la doortay Axmed Qoor Qoor. Hadda waa in aan diirada saarno mudnaanta koowaad ee Amniga Soomaaliya”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in Mareykanka si rasmi u aqoonsatay doorashadii dowladda taageersaneyd, iyadoo soo afjartay doorashooyinki kale ee isbarbar yaaca ahaa ee lagu kala doortay Axmed Ducaale Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir.