Madaxweynaha Hirshabeelle oo hambalyeeyay doorashadii Axmed Qoor Qoor

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa hambalyo u diray Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo maanta loo doortay xilka Madaxweynaha Galmudug.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Waare ayaa lagu sheegay  in dowlad goboleedka Hirshabeelle ay si dhow ula socotay geeddi socodka lagu dhisayay dowladdi labaad ee Galmudug, maadaama ay yihiin deris ay isaga maarmin wax badan sida Amniga, Ganacsiga iyo wada noolaanshaha.