Gor-gortanka Qarniga: Jaamacadda Carabta oo diidday Qorshaha Nabadgelyada Trump ee bariga dhexe

0

Jaamacadda Carabta ayaa diidday waxa loogu yeeray Qorshaha Nabadeynta bariga dhexe ee madaxweyne Trump, waxa ayna sheegtay Jaamacadda Carabtu in qorshahaasi uusan horseedi karin heshiis nabadgelyo oo caddaalad ku dhisan.

Axmed Abulqayd xog-hayaha jaamacadda Carabta ayaa yiri: Falastiiniyiintu waa diideen sida hadda xaalku yahay, maxaa yeelay kama jawaabayo lamana jaanqaadayo filashadooda, waxa uuna hoos geeynayaa gumeysi dhab ah. waxa uu ku sheegay qorshahan mid ciyaar iyo maaweelo kudhisan oo ay suuragal tahay in uu salka u adkeeyo islamarkaana siiyo sharciyad gumeysiga Israil.

Diidmada Jaamacadda Carabta ee qorshaha madaxweyne Trump ayaa timi dkaddib kulan dedeg ah oo ay wasiirada arrimaha dibadda ee Carabtu ku yeesheen magaalada Qaahira, kulankaas waxa joogay madaxweyne Falastiin Maxamuud Cabbaas oo kulanka ka sheegay in xukuumadda Falastiin go’aansatay in ay dhammaan xiriirada u jarto Mareykanka iyo Israil iyada oo xiriiradaas ay ku jiran kuwa iskaashiga Nabadgelyada.

Cabbaas ayaa sheegay in ay Israaiil gaarsiiyeen in uusan jirin wax xiriir ah oo kala dhexeeya Falastiin Israil iyo Mareykankaba inta ay diiddan yihiin heshiisyada ay labada dhinac kala saxiixdeen iyo Qaanuun caalamiga ah.

Israaiil & Mareykanku kama jawaabin diidmada jaamacadda Carabta ee Qorshaha Nabadeynta bariga dhexe ee madaxweyne Trump iyo xiriirka ay Falastiiniyiintu sheegene in ay u jarayaan Israil iyo USA.