DHAGEYSO:-Xaaf oo si kulul uga hadlay doorashada lagu qabanayo Dhuusamareeb

0

Madaxweynaha Maamuka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo xalay kulan sagootin ah ugu qabtay magaalada Gaalkacyo xubnihii ka qeyb qaatay dhismaha maamulkiisa ayaa halkaas ka jeediyey khudbad dhowr dhinac taabanaysay.

Xaaf ayaa sheegay in uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Galmudug, waxuuna ka digay fitno uu sheegay inay ka dhalan karto maamul doorashada ay dowladdu garwadeenka ka tahay oo lagu wado inay maanta ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale Madaxweyne Xaaf waxa uu sheegay in mudo xileedkiisa ay ka harsantahay 15 bilood, waxuuna balan qaaday in markii uu dhameysto waqtigaas uu talada ku wareeji doono cidii ay soo doortaan dadka reer Galmudug.

Baarlamaanka cusub ee uu soo dhisay ayuu sidoo kale dardaaran ugu jeediyey xafladdaas, waxuuna u sheegay in ay yihiin xildhibaanada sharciga ah ee Galmudug, halka uu isaguna isku tilmaamay madaxweynaha sharciga ah.