DHAGEYSO:-Qalbi-Dhagax”Sanbaloolshe iilama eka nin raba in laga cafiyo dunuubtii uu iga galay”

0

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ka tirsan ururka ONLF ayaa ka jawaabay codsi dhawaan ka yimid Taliyihii hore ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ahaa in laga cafiyo doorkii uu ku lahaa dhiibistiisii.

Qalbi-Dhagax ayaa sheegay in Sanbaloolshe uu dhageystay hadalkiisa, balse uu u arko nin aan diyaar u aheyn ka garaabidda khaladkii uu ka galay, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Cabdikariin Qalbi-Dhagax ayaa sheegay in cafiska uu ka dalbaday Sanbaloolshe uusan kaligiis go’aan ka gaari karin, balse uu yahay khalad laga galay umadda Soomaaliyeed oo dhan.