Cabbaas”Falastiin Waxay Xiriirka U Jaraysaa Israa’iil iyo Mareykan”

0

Hoggamiyaha Falastiin Maxamud Cabbas ayaa ku dhawaaqay in ay gabi ahaanba xiriirka oo ay ku jirto wada shaqeynta amniga ay u jarayaan waddamada Israa’iil iyo Mareykanka, kadib markii ay xukuumada Washinton ka daahfurtay bariga dhexe qorsha cusub oo lagu muransanyahay kaas oo u eexanaya Israa’iil.

Cabbaas ayaa shaaca ka qaaday arrintan dhawr jeer oo hore balse ma caddeyn sida uu noqonayo dhaqangalkeeda.

Hadalkan ayaa imanaya kadib markii ay Ururka Carabta kasoo horjeesteen qorshaha cusub ee madaxweyne Donald Trump, kaasi oo ka caraysiinaya Falastiiniyiinta.

“waxaan idinku wargelinaynaa in uusan jirin wax xiriir ah inagala kiin dhexeeya (Israa’iil) iyo Mareykanka iyadoo ay ku jirto wada shaqeynta amniga” ayuu yiri Cabbas oo shir aan caadi ahayn kaga qaybgalay magaalada Qaahira.

Maxamud Cabbas ayaa yiri tillaabadan ayaa daba-socota sida aan uga soo horjeedno heshiiska iyo sharci ahaantiisa caalamka oo ay kala saxiixdeen Mareykanka iyo Israa’iil.

Israa’iil ayaa qaadan doonta masuuliyada qabsashada dhulka Falastiin, dadka falastiina cadaadis ayey isaga cabin doonaan iyagoo adeegsanaya habab nabdoon, ayuu sii raaciyay.

Tani maaha markii ugu horreysay ee uu shaaca ka qaado arrintan oo kale Cabbas, Luuliyo sannadii 2017 ayuu sidan oo kale sheegay in uu hakiyay wada shaqeyntii amni ee kala dhexeysay Israa’iil, intii lagu guda jiray khlilaafkii ka dhaxay xarunta masjid Al-Aqsa ee magaalda Qudus.

Shirka Qaahira ka dhacay ayaa waxaa isugu yimid madax sare oo carbeed oo ay kamid ahaayeen wasiirka arrimaha dibeda Sacuudiga iyo wasiiru dawlada arrimaha dibeda Imaaraatka.

War saxaafadeed ay kulankaas kasoo saareen Ururka Carabta ayey ku muujiyeen in ay kasoo horjeedaan qorshaha madaxweyne Trump, iyagoona ku baaqay in xal laba dhinac ay la raadiyo.

Hoggamiyaha Falastiin ayaa ugu dambeyn sheegay in uu tagi doono Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si ayuu yiri loogu baaqo in dib loo furo wada hadallada Israa’iil iyo Falastiin.